Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo geba-gabeeyay socdaalkiisii Puntland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo Khamiistii ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta soo geba-gabeeyay socdaalkiisii Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ka sagootiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo wafdigiisa.

Sagootinta waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Kusimaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame, Labada Gole ee maamulkaasi, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Muqdisho ku laabtay, iyadoo Villa Somalia iyo Madaxtooyada Puntland aanay midina war ka soo saarin, haddii ay jiraan wax qodobo ah oo ka soo baxay kulamadii labada dhinac uga socday Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com