Ruushka iyo Ukraine oo ku ciyaaraya dabkii ugu halista badnaa

Waxaa la sheegay in Axaddii ay duqaymo ka soo cusboonaadeen aagga Warshadda Nuclear-ka Zaporizhzhia ee Ruushku haysto, inkastoo aanay duqaymahaasi wax saamayn ahi ku yeelan dhismaha warshadda.

Ukraine iyo Ruushka ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay duqaymaha lala beegsaday meel ku dhow Warshadda Nuclear-ka Yurub ugu weyn ee korontada loo adeegsado.

Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in laba ay qof ku dhaawacantay duqayn ka dhacday meel aan ka fogayn dhismaha warshaddaasi.

Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Tamarta Atoomikada (IAEA), Rafael Grossi ayaa sheegay in illaa iyo hadda inta laga warqabo aanu wax koror ah ku iman heerka shucaaca, hannaanka badbaadada ee wershadduna inuu yahay mid badqaba oo sii shaqeynaya.

Rafael Grossi ayaa tilmaamay in dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka jira agagaarka warshadda ay halis muuqato ku yihiin badqabka warshaddaasi.

Dunida ayaa dareen weyn ka qabto, haddii ay wax gaaraan warshaddani, in ay sababi doonto faafitaanka shucaaca tamarta nukliyeerka, waana halista dhabta ah ee laga digayo in masiibo nukliyeer ay ka dhacdo Qaaradda Yurub.

Duqaymahan waxaa la sheegay inay ifafaalo u yihiin masiibo nuclear oo khatarta gelin karta caafimaadka bulshada ku dhaqan dalkaasi iyo dalalka kale ee Yurub.

Warshaddan ayaa ku taala Koonfur Bari Ukraine, waxaana bishii March la wareegay Ciidamada Ruushka, balse waxaa ka hawlgala farsama yaqaano reer Ukraine ah oo dusha laga ilaaliyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com