Shabaab oo digniin iyo hanjabaadba u diray dowladda cusub ee Kenya

Ururka Al Shabaab ayaa farriin digniin iyo hanjabaadba xambaarsan u diray dowladda cusub ee Kenya, iyadoo uu ururku ugu baaqay inay ciidamadeedu kala baxdo Somaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka gaysanayaan dalkaasi, illaa iyo inta Ciidamada Kenya ay dalka ku sugan yihiin.

“Doorasho si adag loogu loolamay oo wadanka ka dhacday ka dib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah, xilli ay Kenyanku isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan Madaxweyne cusub, waxay mar kale haystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aanada siyaasadoodda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas, oo uu ugu horreeyo duulaanka sharci darada ah ee ay ku soo qaadeen Somaliya.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Muddo 11 sano ah ayaa laga jooggaa, markii ay Kenya duulaanka ku soo qaaday Somaliya, illaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ah daaftii aasaasiga ahayd ee duulaanka. Ciidamada Militariga Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay kaga gambadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday Ciidanka Kenya iyo xarumahooda.”

Shabaabka ayaa sheegay, haddii dowladda cusub ee la doortay ku sii adkeysato dhabaha dagaalka ay la kulmi doonto weeraro waaweyn.

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay ku sii adkeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duulaanka gardarada ah ee Somaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ma beegsan doonto oo keliya ciidamada ku soo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doonto xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya, Allaah idankii, illaa inta Ciidamada Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay ku soo duuleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo keliya u sugan.” Ayay Shabaabku ku sheegeen bayaankoodaan.

Madaxweynaha doorashadiisa lagu muransan yahay, waa William Ruto ayaa xilligiisii ololaha doorashada waxa uu sheegay, haddii uu madaxtinimada ku guuleysto inaanu ciidamadoodu ka soo saari doonin Gobolada Koonfureed ee Somaliya.

Ciidanka Difaaca Kenya ayaa xeryo ciidan ku leh deegaano ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com