Taliyaha cusub Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Danjire Larry André.
War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu Dowladda Somaliya iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS uu ka caawin doono dhinaca amniga, iyadoo doorka hoggaamineed ay leedahay Dowladda Federaalka.
Booqashada General Langley ee Caasimadda Muqdisho ayaa imaanaysa, xilli Villa Somalia ay isku diyaarineyso guluf ka dhan ah kooxaha dalka ka dagaalama.
Ciidamada Mareykanka ka joogga Somaliya oo hoostagga Taliska AFRICOM ayaa Dowladda Federaalka ka taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
General Langley ayaa xilka la wareegay 9-kii bishan August, isagoona kala wareegay Taliyihii hore ee AFRICOM, General Stephen Townsend.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com