Wasiirka Gaashaandhigga oo Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub ee AFRICOM (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, kaas oo maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay ka mahadcelinayso doorka Taliska AFRICOM, ee sare u qaadidda amniga gobolka.

“Dowladda Federaalka Somaliya waxay ka mahadcelinaysaa doorka AFRICOM ee sare u qaadidda amniga Geeska Afrika.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan la wadaagnay qorshaheena ah sare u qaadidda awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka maleeshiyaadka Al Shabaab.”

Socdaalka General Langley ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya, xilli Villa Somalia ay isku diyaarineyso guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com