Sarkaal u hadlay Jabhadda TPLF ayaa beeniyay in Ciidamada Tigrayga ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Weldiye ee Gobolka Amxaarada.
Arbacadii, isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ayaa ka soo cusboonaaday waqooyiga dalkaasi, ka dib xabad joojintii bishii March.
Habeenimadii Axadda ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta caalamiga ahi, waxa ay baahiyeen in TPLF ay gudaha u gashay Magaalada Weldiye.
Sarkaal u hadlay TPLF ayaa VOA u sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Xoogaga Tigraygu ay gudaha u galeen magaaladaasi.
Weldiye ayaa 300km u jirta Caasimadda Addis Ababa, waana magaalo istiraatiiji ah oo ay marto waddo isku xirta Addis Ababa iyo Xarunta Gobolka Tigrayga ee Mekelle.
Ciidamada Itoobiya ayaa bishii November ee sanadkii 2020 weeraray gobolka waqooyiga dalkaasi dhaca ee Tigray, iyagoo dagaal aan lagu kala adkaan, balse ay dad badani ku dhinteen la galay Xoogaga TPLF. Dagaalka ayaa istaagay bishii March, dowladduna waxay ku dhawaaqday xabad joojin dhinaca bani’aadanimada ah.
Colaadda ka soo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya ayaa caqabad iyo dib u dhac weyn ku ah dadaaladii dhexdhexaadinta ee labada dhinac iyo gurmadka bani’aadanimo ee la gaarsiinayo mallaayiinta qof ee halkaasi dhibaateysan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com