Madaxweynaha oo Cabdalla Cabdalla u soo celiyay darajada iyo xuquuqdii ciidanimo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyay Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, si waafaqsan qodobada 87aad iyo 90aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyay xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyay Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyay.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqangalay, Ogoosto 30, 2022, oo ah markii lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com