Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa maanta gaaray Degmada Awdheegle ee gobolkaasi.
Taliyaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Awdheegle, Saalax Cabdiraxmaan Maxamed iyo Saraakiisha Ciidamada.
Masuuliyiintan ayaa kormeeray suuqyada iyo xaafadaha degmadaasi, iyagoona agab waxbarasho gaarsiiyay iskuul cusub oo degmadaasi laga hirgeliyay.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ka warbixinayay socdaalkooda ayaa yiri “Guud ahaan Degmada Awdheegle, carruurtan yar yar ee runtii ubaxa dalka ah, una baahan in mustaqbalkooda la dhiso ayaan maanta u joognaa halkan.”
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabnaa iskuulkii laba sano iyo bar ka hor aan halkan ka dhisnay inaan daahfurno ay ahayd inay wax ka bartaan, oo aan furmin inaan maanta dib u furno.”
Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyay ciidamada, oo uu ku ammaanay inay shaqo adag oo amni ka qabteen degmadaasi iyo deegaanada hoostaggaba.
“Degmadan markii laga xoreynayay cadowga, runtii juhdi badan ayay ciidamada ku bixiyeen, maamulkana waxay keeneen adeegyadii bulshada.” Ayuu yiri Gudoomiye Najax.
General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankiisa waxa uu ciidamada ku bogaadiyay howsha nafhurnimada ah ee ay shacabkooda u hayaan.
“Waxaa farxad gaar ah ii ah inaan maanta halkan u taaganahay in laga hadlo arrimo waxbarasho. Shalay markii meeshaan la xoreynayay runtii lagama hadleynin waxbarasho, caafimaad iyo horumarin bulsho, in maanta halkan loo taagan yahay, sidii ay u noqon lahaayeen dad la hagaajiyo mustaqbalkooda, hela waxbarashadii ay u baahnaayeen.” Ayuu yiri Taliyuhu.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com