Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay dalka South Africa

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka South Africa.

Wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka ambabaxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada Johannesburg kaga qaybgelaya Shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada ee Afrika (Pan-African Parliament).

Gudoomiyaha ayaa shirkaasi ku soo bandhigi doono horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Africa iyo kan Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com