Iraq oo gashay xaalad hubinti la’aan siyaasadeed iyo mid amni

Rabshado ay dad badani ku dhinteen ayaa ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Baghdad, ka dib markii Wadaadka Shiicada dalkaasi, Moqtada al-Sadr uu Isniintii ku dhawaaqay inuu ka fariistay siyaasadda.

Taageereyaashiisa oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada ayaa xoog ku galay dhismayaasha dowladda, sida Xarunta Madaxtooyada, iyagoona ka gudbay aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo.

Taageereyaasha qaarkood oo hubeysnaa ayaa gacmaha ula tagay ciidamada amniga, iyadoona uu iska horimaad ku dhex maray agagaarka Xarunta Baarlamaanka. Rabshadahan ayaa galaafatay nolosha soddon qof iyo dhaawaca boqolaal kale.

Moqtada al-Sadr ayaa maanta taageereyaashiisa ugu baaqay inay ka baxaan xarumaha dowladda iyo aagga cagaaran, oo mar ahaan jiray saldhig ay lahaayeen Ciidamada Mareykanka, haddana ay ku yaallaan xafiisyada dowladda iyo safaaradaha dalalka shisheeye.

Hadal uu ka jeediyay telefishinka dalkaasi ayuu wadaadkan raaligelin ugu jeediyay shacabka Iraq, ka dib rabshado socday afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay oo dad badani ay ku dhinteen.

al-Sadr oo doorashadii bishii October ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka ayaan helin aqlabiyad uu ku soo dhisi karo xukuumad, tani oo noqotay caqabadda ugu weyn ee kala dhaxeysa dhinacyada siyaasadda ee dalkaasi, waana tan ku riixday go’aankiisa uu ku shaaciyay inuu ka fariistay siyaasadda.

Go’aankiisan ayaa loo arkay mid dalkaasi geliyay xaalad hubinti la’aan siyaasadeed ah iyo welibana qalqal amni.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com