Hoggaamiyihii fur furay siyaasaddii Midowga Soofiyeet oo geeriyooday

Hoggaamiyihii 8aad, uguna dambeeyay ee Midowgii Soofiyeet, Mikhail Gorbachev ayaa geeriyooday, isagoo 91 jir ah.

Mikhail Gorbachev ayaa dalalkii Midowga Soofiyeet hoggaaminayay, intii u dhaxeysay 1985-kii iyo 1991-kii.

Ninkan ayaa muddadaasi Midowga Soofiyeet ku hoggaamiyay siyaasad fur furan, isagoona ogolaaday in dadweynuhu dhaliili karaan madaxda.

Sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa inuu soo afjaray dagaalkii qaboobaa ee midowgaasi kala dhaxeeyay dalalka Reer Galbeedka, balse waxaa uu ku guuldareystay inuu ka hortaggo burburkii ku yimid midowga.

Hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soofiyeet ayaa Mareykanka la galay heshiis lagu dhimayo hubka iyo iskaashi uu la sameeyay dalalka Yurub, si loo soo geba-gabeeyo xiisadaha siyaasadeed, militari iyo feker ee kala qaybiyay dalalkaasi, ka dib dagaalkii 2aad ee adduunka iyo dib u midoobiddii Jarmalka.

Warbaahinta Ruushka ayaa xalay baahisay geerida Gorbachev, ka dib xanuun muddo dheer oo uu dhul layaal la ahaa.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu muujiyay, sida uu uga xun yahay geeridiisa.

Gorbachev ayaa sanadkii 1990-kii ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com