Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabay xubno cusub

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami & Maalgashiga, Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka & Gaaska, Axmed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha oo labadan xubnood ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyay in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyay dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyay xubnahan in uu u fududeeyo shaqada qaran ee hortaalla.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqangalay; 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com