Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo qaabilay Madaxa Bankiga Adduunka ee Somaliya

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Maamulaha Bankiga Adduunka ee Somaliya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wada shaqeynta Bankiga Adduunka iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Kristina Svensson waxay xog ka siisay Ra’iisal Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bankiga Adduunku ka wado Somaliya, gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka gaysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay taageerada Bankiga Adduunku siinayo Somaaiya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha Dowladda, iyagoo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com