Ra’iisal Wasaare Barre oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisii ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay dalka Tunisia kaga qaybgaleen shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD).

Wafdiga xubnaha Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, La taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Drs. Hodan Cismaan Cabdi, Kuxigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Fadumo Cabdi Cali iyo Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Bulshada, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu socday shirkaasi waxa uu la kulmay madax kala duwan, oo ka qaybgalayay shir madaxeedkaasi, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taabaneysay dhinacyo kala duwan, sida amniga, abaaraha, cunto yarida, is bedelka cimillada iyo saameynta ay keentay.

Safarkan ayaa noqonaya, kiisii ugu horreeyay ee Ra’iisal Wasaaruhu uu ku taggo dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com