Eritrea oo lagu eedeeyay inay dib ugu biirtay dagaalka Gobolka Tigray

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa Khamiistii weerar ku qaaday Gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalka Itoobiya, waxayna bartilmaameedsadeen Ciidamada Tigrayga, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Tigrayga, Getachew Reda.

Afhayeenka ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo Etitrea ay subaxnimadii hore Khamiistii weerar ballaaran oo afar jiho ah ku qaadeen deegaanka Adyabo ee waqooyi galbeed Tigray.

Afhayeenka Dowladda Itoobiya, Legesse Tulu, Afhayeenka Milatariga, Korneyl Getnet Adane, Afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Billene Seyoum iyo Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada ku saabsan inay ka jawaabaan eedeymahan.

Dowladda Itoobiya ayaase Arbacadii bayaan ay soo saartay ku eedaysay Xoogaga Tigrayga inay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen Ciidamada Dowladda.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu jebiyay xabad joojintii bishii March.

Colaadda ka taagan Itoobiya ayaa gobolka ka dhigtay mid xasillooni darro ka dhigtay dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, oo ah wadanka ugu miisaanka culus ee diblomaasiyadeed ee martigeliya Midowga Afrika.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka, Antony Blinken ayaa ku booriyay Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabhadda TPLF, gelinkii danbe ee Arbacadii inay si degdeg ah u joojiyaan hawlgalada militari, ayna ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

Eritrea ayaa ciidamo u dirtay Tigray, si ay u taageeraan Militariga Itoobiya, ka dib markii uu dagaalku qarxay bishii November ee sanadkii 2020, in kasta oo labada dalka ay si cad u beeniyeen jooggitaankooda muddo ku dhow shan bilood, iyada oo eedeymaha ay kor u kaceen kufsi wadareed iyo dilalka xad dhaafka ah ee loo gaysanayo dadka rayid ka ah iyo bililiqo. Eritrea ayaa diiday eedeymahaas.

Reuters.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com