Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa Khamiistii dood ka yeeshay xaaladda amniga dalka, dadaalada gurmadka abaaraha iyo safarkii uu dhawaan Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ku tegay dalka Tunisia.
Ra’iisal Wasaaraha oo shir guddoominayay shirka ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkiisii Magaalada Beledweyne, oo uu tilmaamay inay u doorteen in ay tusaale u noqoto gurmadka ay xukuumaddiisu bilowday.
Sidoo kale Wasiirada Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa ka warbixiyay xaaladda amni ee dalka iyo qorshaha ay dowladdu waddo ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixisay xaaladda abaaraha iyo macluumaadkii ugu dambeeyay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa ku adkeeyay wasaaradaha ay kuseeyaan ajandayaashii shirkan inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.
Shirkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyay, ee ay Golaha Wasiirada yeeshaan, ka dib weerarkii soddonka saacadood socday ee dableyda Shabaabka ku gashay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com