Madaxweynaha Somaliya oo si adag uga hadlay shacabka lagu laayay Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa, ee ay Al Shabaab ku xasuuqeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo nolol maalmeedkooda caadiga ah watay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ficilada gurracan ee argagixisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn Diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabka birimageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Al Shabaab aysan shacabka Soomaaliyeed u ogoleyn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo horumar, taas bedelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaadiniinta, dhaca hantidooda, burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.

“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxandarada argagixisada baneysatay dhiigooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay is dhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabargoynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabaha keliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo argagixisada Al Shabaab, si loogula xisaabtamo jariimooyinka ay u gaysteen dadka birimageydada ah, ee ay ku laayeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dadaalada nafhurnimada leh ee ay wadaan ciidamada geesiyaasha ah iyo shacabka is abaabulay ee ku nool Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Galmudug, si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay jooggaan ugu yeeray inay ka qayb qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com