Madaxweyne Guudlaawe oo shir degdeg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir guddoomiyay shirka amniga ee deegaanada Hirshabelle, ka dib dhacdadii xalay ka dhacday waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan, oo ay Shabaabku ku laayeen dad badan oo rayid ah, kuna gubeen gaadiid iyo raashiinkii ay sideenba.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee deegaanada Hirshabelle, xogaha maleeshiyada Al Shabaab iyo hawlgalada ka socdo gobolkaasi ee maleeshiyadaasi looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Madaxweynaha HIrshabelle ayaa faray Saraakiisha Ciidamada in si degdeg ah looga hawlagalo xoreynta deegaanada ay Shabaabku ka arrimiyaan, isla-markaana ay ka jawaabaan tallaabadii ay dadka rayidka ah ku laayeen.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay falka foosha xun ee lagu laayay dadkaasi, laguna gubay hantidoodii.

Weerarkan ayaa argagax-geliyay dadka Soomaaliyeed, haddii dadka lagu dilay ay qayb ka yihiin haween iyo carruur yar yar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com