SAWIRRO: Gaadiidka ay Shabaab ku gubeen waddada Beledweyne iyo Maxaas

Waa tiro sawirran ah oo muujinaya weerarka xalay ka dhacay waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ee ay maleeshiyada Al Shabaab ku bartilmaameedsadeen gaadiid rakaab iyo raashiinba siday.

Gaadiidkan oo u kala weydaaranayay Maxaas iyo Beledweyne ayay Shabaabku u galeen deegaanka Afar Irdood, halkaas oo ay ku laayeen dadkii la socday, halka ay dab qabadsiiyeen gaadiidkii iyo raashiin ay sideenba.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Shabaabku ay dileen soddon qof oo dumar iyo carruur ay ku jiraan, halka toban baabuur ahna ay gubeen.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo si kulul u cambaareeyay weerarkan ayaa wax Islaamnimada ka baxsan ku tilmaamay in la laayo dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, lana gubo gaadiidkoodii iyo hantidoodiiba.

“In la laayo dad Muslimiin masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodii, dabna la qabadsiiyo hantidoodii, waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujineysa cadowtinimada iyo naceybka gaamuray, ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay garab taagan tahay ciidamada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay, dagaalkana kula jira mintidiinta Al Shabaab.

Dhacdadan ayaa hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, waana astaan kale oo ka turjumeysa, sida Shabaabku uga fog yihiin Diinta Alle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com