Shabaab oo dad rayid ah ku laayay waddada Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay waddada u galay gaadiid rashiin siday, oo ku safrayay waddada xiririisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoona la sheegay inay dileen dadkii la socday gaadiidkaasi.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sida uu weerarkaasi u dhacay iyo tirada gaadiidka la gubay. Nin ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku weerareen gaadiid ay la socdeen dad rayid ah, oo ka ambabaxay Beledweyne, kuna wajahnaa Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

“Xalay, abaarihii Salaadda Maqrib ka dib xasuuq ayaa ka dhacay waddada u dhaxeyso Magaalada Beledweyne iyo Degmada Maxaas, meel galbeed la yiraahdo. Dad musaafuriin ahaa oo ka baxay Beledweyne, kuna sii jeeday Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ayaa xabado lagu furay.” Ayuu yiri ninkan oo Radio Muqdisho la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri “Tirada guud inta la dilay waxay mareysaa toddobo iyo toban qof oo masaakiin ah, oo dumar, rag iyo carruur isugu jira ayaa lagu dilay meeshaas, toddobo baabuurna waa lagu gubay.”

Ninkan oo magaciisa aan la sheegin ayaa intaasi ku daray in sidoo kale uu qarax haleelay mid ka mida laba gaari, oo la doonayay in dhibaneyaasha loogu gurmado.

Warar kale ayaa sheegaya in Shabaabku ay waddada u galeen gaadiid kale, oo xoolo ka qaaday Maxaas iyo Teedaan, kuna sii jeeday Beledweyne.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin weerarka ka dhacay gobolkaasi.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ka careysan gulufka ka socdo gobolkaasi, oo lagaga saaray deegaano ay horey uga arrimin jireen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com