Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha oo ku soo xulay La taliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyay in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka federaaleynta dalka, kuwaas oo mudnaan gaar ah uu siinayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qoone Alle uga rajeeyay in uu u fududeeyo shaqada qaran ee hortaalla.
Xeerkan Madaxweyne Lr 29 ee lagu magacaabay La taliyaha ayaa dhaqangalay September 4, 2022, oo ah markii lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com