Ra’iisal Wasaare Barre oo qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha & Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa soo jeedin ku saabsan howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka u sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay howlaha hortabinta u leh hay’adda sanadkan (2022) iyo qorshayaasha fog ee la doonayo in la fuliyo sanadaha soo socdo.

Agaasimaha ayaa sidoo kale u soo bandhigay Ra’iisal Wasaare Barre waxqabadka sanadkii tagey iyo horumarada la taaban karo, oo ay ku tilaabsatay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo ay ka mid yihin dhismaha Xarunta Dhexe, hufnaanta iyo dardargelinta adeegyada hay’adda ay ka bixiso gudaha dalka iyo dibadaba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com