Wasiir Beene Beene oo soo xiray Kulanka Xaqiijinta Hannaanka kormeerka & Qiimeynta Qaran

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo xiray Kulanka Xaqiijinta Hannaanka kormeerka iyo Qiimeynta Qaran ka furay Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Kormeerka & Qiimeynta Xalka Waara, Sahra Cabdi Maxamed, Agaasimeyaasha Dowladda Heer Federal, Dowladd Gobaleed iyo howlwadeeno kale.

Ujeedada ugu weyn kulanka lagu gorfeeyay waxaa ka mid ah In la helo hannaan qaran ee kormeerka iyo qiimeynta oo loo adeegsado, sidii xog saxan oo dhameestiran looga heli lahaa mashaariicda iyo barnaamijyada dowladda iyo bahwadaagteeda ay fulineyso ee ku saleysan Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad, In la helo hannaan mideeysan oo ay adeegsan karaan bahwadaagta kala duwan iyo daneeyayaasha ay quseeso hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ee heer federal, dowlad goboleed iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa qeexday tallaaboyinka ay soo martay diyaarinta Hanaanka kormeerka iyo qiimeynta qaran oo ahmiyadd wayn ugu fadhiso dalka,in xaqiijiyo xogta rasmiga ah sidii aan ku heli lahayn si aan ugu saleyno go’aamadda ay dowladda qaadaneyso. In xog rasmi ah laga helo ashaariicda dalka laga fulinayo, waa tallaabo wanaagsan oo horunar leh.

Wasiir Beene Beene ayaa tusaalooyin ka bixiyay hadafka guud ee Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaran.

“Hadafka guud ee Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka,In la helo Hannaan Kormeer iyo Qiimeyn Qaran oo lagu mideysan yahay, loona adeegsado kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda laga hirgelinayo guud ahaan dalka.

Mashaariicda ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Heer Federal iyo Heer dowlad Goboleed, sidoo kale waxaa qayb ka ah Bahwadaagta Caalamiga ah ee taageera Somaliya, Hirgelinta Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka waxay horseed ka noqoneysaa in la qaato go’àamo ku saleysan xog rasmi ah, in la ogaado guulaha iyo caqabadaha mashaariicda.

QHQ-9aad waxay xoojineysaa xiriirka bahwadaagta, taasoo keeyneysa in la helo Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo xoojineysa xiriirka ka dhexeeya bahwadaagta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ee kala ah hay’adaha Dowladda, Ururada Bulshada Rayidka iyo Bahwadaagta Caalamiga ah.” Ayuu yiri Beene Beene.

Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaran waxay horseedi doontaa, haddii la dhaqangeliyo in la helo xogaha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, kuwaas oo la falgalaya qorshaha horumarinta qaranka QHQ-9Aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com