Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta ka socdo waddada xiririisa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose.
Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya deegaanka Basra, halkaasoo ay Shabaabku ku leeyihiin Xarun Maxkamadeed.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu ku fiday aagga Beertii Cali Mahdi, iyadoona daryanka sawaxanka hubka laga maqlayo deegaanada ka baxsan, goobaha uu dagaalku ka socdo.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidanka Haramcad ay la wareegeen gacan ku haynta Xaruntii Maxkamadda Al Shabaab ee deegaanka Basra.
Dhanka kale Xidigle Salaad Maxamed Cali (Salaad Carabey) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Haramcad ee hawlgalka hoggaaminaya ayaa la soo sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay.
Ciidamada Dowladda ayaa u muuqda kuwo u soo qalab qaatay, sidii Shabaabka lagaga saari lahaa deegaankan, oo in muddo ahba ay ku xidideysanayeen.
Haddii ciidamadu ay si buuxdo ula wareegaan waddada Basra ayaa waxay noqon doontaa mid aanay Shabaabku mahdin doonin, haddii ay marin muhim ah u ahayd isu socodkooda Labada Shabelle, waana xilli uu furin dagaal kaga furan yahay Gobolka Hiiraan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com