Jubbaland oo digniin adag u jeedisay shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo

Jubbaland ayaa awaamiir adag ka soo saartay hubka lagu dhex qaato Magaalada Kismaayo, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah magaaladaasi.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa marka hore ka hadlay wararka ay dadku isla dhex marayaan, isagoona digniin u jeediyay dad uu sheegay inay Shabaabka ka soo qaadeen farriimo lagu qalqalgelinayo amniga magaalada.

“Runtii Magaalada Kismaayo way fiican tahay, wax qalqal amni ahna kama jiraan, waxaan dareemi karnaa uun dad farriin ka soo qaaday nabadiidka in ay yihiin, oo magaalada dhahayo qaraxyaa ku jiro iyo wax saas ah oo meelaha fadhi ku diriryada laga sheegayo way jiraan, laakiin annagu waxaas wax na khuseeyo ma ahan. Magaaladu waa amni, ciidanku 24 saac way ka shaqeeyaan, ciidan nagu filana waan haysanaa, annaga iyo nabadiidkana dagaal baa naga dhaxeeyaba, oo hadda wax asxaan iyo wanaag ah oo naga dhaxeeyo ma jiro.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan uga digayaa dadka farriimaha inta Shabaabka ka soo qaada magaalada ku faafinaya, waxaana amrayaa Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland inay xaaladdaasi si dhow ula socdaan, cid kasta oo dacaayadaas fidineyso, la arkana in la waafajiyo sharciga.”

Dhanka kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidamada aan ahayn kuwa qaabilsan amniga magaalada aanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, ciddii lagu arkana in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Dhammaan Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa qarankaba waxaan ku wargelinayaa in ay xeryahooda ku sugnaadaan, Taliye walbana uu ciidankiisa kala baxo magaalada, kuna sugnaadaan xeryahooda.” Ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiir Dhuumaal ayaa intaasi ku daray “Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran iyo kuwa Booliskaba ama JISA (Nabad Sugidda Jubbaland) ayagana waxaan ku wargelinayaa cid kasta oo magaalada hub ku dhex wadato, oo aan ahayn mid sharci ah ama mid goobtiisa la joogga inay qabtaan, oo ay xareeyaan, dibna looma celinayo, amarkaasna waa in la fuliyo, ayadoo la waafajinayo shuruucda dowladda u taalo. Qorigaas markii la qabto ciidanka leh baa la qorayaa, waana la diiwaangelinayaa, qofkii lagu qabtay baa la qorayaa, isla-markaana waxaa lagu xareynayaa bakhaarka dowladda, dowladdaa markaa u talineyso.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com