Mintidiinta Al Shabaab ayaa waddada u galay kolonyo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, xilli ay gurmad ahaan ugu socdeen duleedka Degmada Maxaas.
Gudoomiyaha ayaa horkacaya ciidan gurmad ah oo ku sii jeeda deegaanka Ceeleey, oo hoostagga Degmada Maxaas, halkaas oo shalay galab uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in kolonyada Gudoomiyaha lagu weeraray meel aan ka fogayn deegaanka Ceel la helay, wararka ayaana sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kolonyada Gudoomiyaha ay jiireen kooxihii dhabaha u galay.
Dadka reer Hiiraan ayaa ka careysan weerarkii habeenkii Jimcaha ay Shabaabku ka gaysteen waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas, ayna ku dileen dad badan oo rayid ah.
Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada Shabaabka hubeysan lagaga saarayo gobolkaasi.
Jeyte ayaa Sabtidii wacad ku maray in Shabaab laga aargudi doono dadkii shacabka ahaa, ee ay ku laayeen jidka Beledweyne iyo Maxaas.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com