RW Barre “Dagaalka cadowga waa wadaynaa, illaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka. oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago, sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah, ee u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xoreynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleygayaan weerarada ay ku daadinayaan dhiigga shacabka, isagoo la wadaagay murugada geerida ehelada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen Gobolka Hiiraan iyo qaybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyeynaya Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay, dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan, saakay oo u danbeysay waxaa laga xoreeyey deegaanka Basra, oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuuna sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Barre.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com