Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Axaddii waxa ay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen shan nin, oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo.
Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegtay in dhammaan raggaasi ay la shaqeynayeen Sirdoonka Mareykanka, isla-markaana ay fududeeyeen weeraro dhinaca cirka oo ka dhacay Gobolada Jubbada Dhexe iyo Shabellaha Hoose, qaarkoodna lagu dilay xubno Shabaabka ka tirsanaa.
Qaadiga Maxkamadda ayaa Fagaaraha Macalin Aadan Xaashi ee Degmada Jilib ka akhriyay xukunka ay maxkamaddu ku riday xubnahaasi, oo dil toogasho ahaa.
Qaadiga ayaa magacyada raggan ku kala sheegay Maxamed Cabdi Isxaaq, Cali Maxamed Cabdi, Khadar Khaliif Yoonis, Xudayfi Cabdirisaaq Xasan iyo Maxamed Bille Xasan.
Shabaabka ayaa tan iyo bishii July goobo kala duwan ku toogtay sideed iyo toban qof, oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Sirdoonada Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com