Wararkii ugu dambeeyay gulufka ka socdo Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta kormeer ugu tagey Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda, ka dib dagaalkii shalay galab illaa waaberigii saakay ka socday deegaanka Ceeleey, oo hoostagga Degmada Maxaas.

Gudoomiyaha oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey ayaa bogaadiyay dhiiranaanta ciidamada iyo sida ay kaga go’an tahay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa bidhaamiyay in guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan dagaalka ay ka turjumeyso, sida ay diyaarka ugu yihiin wiiqitaanka maleeshiyadaasi.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada ka hor hadlayay ayaa ku goodiyay inaanay ka laaban doonin dagaalka Shabaab, illaa dhulka gobolkaasi laga suulinayo.

Gudoomiye Jeyte ayaa ku celiyay inay u aargudi doonaan dadkii rayidka ahaa, ee ay Shabaabku habeenkii Jimcaha ku laayeen waddada Beledweyne iyo Maxaas.

General Tawane ayaa dhankiisa sheegay inaanay jirin sabab ay maanta gacmaha uga laaban karaan kooxaha caadeystay inay mar walbaba daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay waddada Buulo Burde iyo Jalalaqsi, waana hawlgal daba socdo midka gobolka intiisa kale ka socdo.

Taliyaha Ururka 41aad, Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Maxamed Muumin Cilmi ayaa sheegay in hawlgalku uu yahay mid Shabaab looga sifeynayo deegaanada hoostagga Degmada Buulo Burde, isla-markaana aanu joogsan doonin, inta Shabaab ay deegaanadaasi ku sugan yihiin.

Gobolka ayaa u muuqdo mid uu ka socdo abaabul weyn, oo lagaga soo horjeedo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com