Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay sharciyaynta Degmooyinka Baxdo iyo Wisil

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sixiixay sharciyaynta Degmooyinka Baxdo & Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawaan ansixiyay sharciyaynta labadan degmo, ka dib markii dadka degan ay iska caabiyeen weeraro kaga yimid maleeshiyada Al Shabaab.

Wisil iyo Baxdo ayaa hadda si rasmi ah uga mid noqonaya Degmooyinka Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com