11-kii June sanadkan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabellaha Hoose waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagu eedeeyay Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Ka dib dilkaas waxaa dhacay bannaanbaxyo ay ku cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa loo soo xiray dhacdadaas laba askari oo ka tirsan Gorgor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka.
Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdiweli Jaamac Xersi oo ku hubeysnaa qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen ciidamada ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in ay kala dileen labada marxuum ee dhallinyarada ahaa, oo xilligaasi farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalin Isxaaq.
Halka askariga saddexaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan, laakiin wax walba ay isku bedeleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga dilaan, si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga caddeeyay.
Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu dambayn codsatay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka Saddexda eedeysane August dabayaaqadeedii.
Fadhigii u dambeeyay ee maxkamadeed ayay Maxkamadda geba-gabaysay kowdii bishan.
Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac Xersi dil toogasha ah oo qisaasta marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsaneyaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan rafcaan, muddo bil ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com