Qoorqoor oo xoojinaya kacdoonka shacabka ee Gobolka Galgaduud (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa bilaabay socdaal dhinaca dhulka ah, oo uu ku marayo deegaanada Galmudug, gaar ahaan deegaano dhaca Gobolka Galgaduud oo ay ka socdaan abaabul loogu diyaargaroobayo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Degmada Baxdo ayaa maanta gaaray deegaanka Maarsamage ee Bariga Degmada Baxdo, halkaas oo dadka deegaanku ay ka wadaan abaabul dagaal, oo ay tahay in Shabaab looga saaro deegaanada ku dhow dhow.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay Odayaasha Dhaqanka iyo hoggaanka xoogaga deegaanka, ee isku abaabulay inay dagaal toos ah kala hortaggaan maleeshiyada Al Shabaab. Dhinacyadan ayaa Madaxweynaha u sheegay in ay qalabka u qaateen waa Shabaab oo laga badbaadiyo dadka deegaanka, si aanay dib dambe dhiiggoodu u daadinin.

Madaxweyne Qoorqoor oo bogaadiyay dadka sida iskood ah isku abaabulay ayaa sheegay in maamulkiisu uu garab taagan yahay cid kasta oo dooneysa inay la dagaalanto Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa hay’adaha arrimaha samafalka ka shaqeeya ugu baaqay inay gargaar soo gaarsiiyaan dadka reer Galmudug, kuwooda arrimaha bani’aadanimo u baahan.

Isniintii shacabka ku dhaqanka deegaanka Caada-kibir ee duleedka Degmada Cadaado ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaabka, ka dib dhacdadii habeenkii Jimcaha ka dhacday waddada Beledweyne iyo Maxaas, ee ay Shabaabku ku laayeen dad badan oo rayid ah iyo tallaabadii ay Shabaabku ku burburiyeen isgaarsiintii Caada-kibir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com