Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo qaabilay Martin Griffiths (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobry ee Arrimaha Bani’aadanimada, Martin Griffiths, kaas oo ay ka wada hadleen wada shaqeynta iyo xiriirka Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Qaramada Midoobey, ee la xiriira arrimaha gurmadka abaaraha iyo samafalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaargarowga, sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqotay, iyadoo ay dowladdu xoogga saari doonto buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha.

Martin Griffiths ayaa dhankiisa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamka ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid dimoqraaddi ah, isla-markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda, caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Somaliya, xilligan adag ee ay ku jirto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com