Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Baraawe

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino, oo maanta ka dhacay Suuqa Weyn ee Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taala boosteejada laga raaco baabuurta aadda deegaanka Kuunyo Barrow ee duleedka Degmada Baraawe.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu dhex aasay maqaaxidaan oo shaaha laga cabo, dacalkana ku haysa goob kale oo qaadka lagu iibiyo.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxaasi, halka sagaal kalena ay ku dhaawacantay, kuwaa oo afar ka mida ay dumar yihiin.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Degmada Baraawe, Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goobta la qarxiyay ay ahayd goob ay shacabku ku ganacsanayeen.

“Nimankii cadowga ee nabadiidka ahaa ayaa meeshaan ku dhibaateeyay shacabka. Meesha ay qarxiyeen ma ahan xarun dowladeed, ma ahan saldhig ciidan, mana ahan talis militari ee waa meel ay shacabka isaga ganacsanayeen.” Ayuu yiri Jaadane.

Jaadane ayaa yiri “Ma ahan wax Baraawe oo keliya ay ka wadaan, waa wax ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto dhibaatada ay ku hayaan, shacabkana meel walba ayay ku dhibaateeyaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com