Askari la dhashay Gudoomiyaha Warta Nabadda oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay Liibaan Maxamuud Warsame (Liibaan Xaabsey) ku dilay Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag, xilli marxuumka la sheegay in hoygiisa uu sii gelayay.

Marxuumka ayaa goobta ugu geeriyooday dhowr xabadood oo dableydaasi ay kaga dhufatay qaybaha kore ee jirkiisa, iyadoona ay dembiileyaasha ka baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aanay ciidamada amnigu gaarin.

Liibaan Maxamuud Warsame ayaa la dhashay Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda, gabadha lagu magacaabo Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey), taasoo qudheeda uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxii 24-kii bishii July ee sanadkii 2019 lagu dilay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Wararka ayaa sheegaya in Liibaan Xaabsey uu hadda ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, waxaase lala xiriirinayaa maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com