Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ee Gobolka Hiiraan iyo maleeshiyada Al Shabaab ayuu dagaal culus ku dhex maray deegaanka Ceeleey iyo deegaanada ku dhow dhow, oo hoostagga Degmada Maxaas.

Dagaalka oo ahaa mid la isku noqnoqday ayaa bilowday shalay galab, iyadoona uu soo gaaray waaberigii hore ee saaka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga Macawiisleyda ayaa guulo ka gaaray dagaalka, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dib uga gurteen deegaanadaasi, tani oo loo sababeeyay iyaga oo aan helin goobo ay gabaad ka dhigtaan. Dagaalka ayaa hadda u muuqdo mid u soo wareegay dhanka deegaanada koonfureed ee Beledweyne.

Dagaalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, waxaana ku wehlinaya Saraakiil uu ka mid yahay General Tawane Axmed Gurey, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Inkastoo Saraakiisha Ciidamada aanay weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkan ugu dambeeyay ayaa waxaa haddana soo baxaya warar sheegaya in ciidamadu ay dileen tobanaan ka mida maleeshiyada Al Shabaab, gacantana ay ku dhigeen tiro maxaabiis ah.

Gudoomiye Jeyte ayaa Isniintii ku hanjabay inaanu joogsan doonin dagaalka lagala horjeedo mintidiinta, illaa iyo inta laga suulinayo gobolka oo dhan.

Shabaabka ayaa guul-darro muuqato kala kulmaya dagaalka ay qaybta ka yihiin dadka deegaanka, ee qalabka u qaatay inay iska dulqaadaan, waana xilli muddo dheer ay dhibaatooyin badani ku hayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com