Dowladda oo dersi ka kororsatay dagaalka shacabka kala horjeedaan Shabaab

Boqolkii maalmood ee uu xafiiska joogay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa muuqata in Villa Somalia ay dersi ka baratay dagaalka ay dadka rayidka ahi kala horjeedaan mintidiinta Al Shabaab.

Xoogaga deegaanka Gobolka Hiiraan ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa door weyn oo muuqdo ka ciyaaray guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ka gaareen hawlgalada ay ka wadaan gobolkaasi, tan iyo bishii June. Ciidanka ayaa hawlgaladan kula wareegay deegaano badan oo Shabaabku kaga sugnaayeen deegaano hoostagga Degmooyinka Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne.

Guulahaasi waxa ay dowladdu is tustay in hawlgalada ceynkani oo kale ah uu ka khasaaro yar yahay hawlgaladii hore, ee ay ciidanku ka wadeen gobolada dalka. Casharka ay dowladdu kororsatay ayaana ah in dadka deegaanku kala garanayaan dhulka lagu dagaalamayo iyo inay kooxaha nabadiidka ku adkaan doonto goobo ay iska soo abaabulaan.

Dowladda Federaalka ayaa haatan Gobolka Galgaduud ka waddo abaabul ay ku hubeysaneyso dadka deegaanka, si ay ciidanka uga gacan siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab amaba in ay iyagu si iskood ah ula dagaalamaan, si ay u soo afjaraan jooggitaanka Shabaab ee deegaanadooda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaarinayaan saanad hor leh, oo ay tahay in la gaarsiiyo shacabka goboladaasi ka wada kacdoonka ku wajahan Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay “Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxandarada argagixisada banneysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay is dhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadeyaasha ah, dhabaha keliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyada Shabaab, si loogula xisaabtamo shacabkii ay ku laayeen waddada Beledweyne & Maxaas iyo guud ahaan dalkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaaggaan la dagaalanka Shabaab, si lamid ah shacabka ku dhaqan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Andalus waxa uu ku sheegay inay ka warqabaan qorshaha ay dowladda ku hubeysaneyso beelaha, isagoona qabaa’ilada uga digay inay dagaal kala horyimaadaan maleeshiyadooda.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo jooggitaanka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee dalka, sidoo kalena waxa ay dagaal kula jiraan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com