Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Villa Somalia ku qaabilay Danjiraha Finland u joogga dalka, Pirkka Tapiola.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub, oo ay qayb ka tahay Dowladda Finland, adkeynta cilaaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha Dowladda Somaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay, sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoreynta deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, oo ay ka soo abaabulaan weerarada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Pirkka Tapiola ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com