Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta ayaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyay magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Gudoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyay dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqangalay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da September, 2022.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com