Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Arbacadii Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Danjire Larry André.
Kulanka ayaa looga hadlay qorista ciidan cusub oo Mareykanku uu u tababarayo Dowladda Federaalka, kana mid noqda Xoogaga Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.
“Askarta cusub ayaa ku biiri doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, si ay mustaqbalka u fuliyaan hawlgalada, ayna kala shaqeeyaan ciidamada deegaanka, booliska iyo saaxiibada kale, si loo soo celiyo ammaanka shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho.
Tababarka ciidamadan ayuu dib u dhac ku yimid, ka dib markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump uu maalmihiisii ugu dambeysay ee xafiiska uu amray in Ciidamada Mareykanka dib looga soo saaro Somaliya.
Madaxweyne Joe Biden ayaase bartamihii bishii May amray in boqolaal ka mida ciidamada gaarka ee Mareykanka dib loogu celiyo Somaliya, si ay Dowladda Federaalka uga caawiyaan amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.
Danab waa ciidan lugta ah oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waana ciidanka la hawlgala Ciidamada Mareykanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Pentagon-ka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Shabaabka hubeysan ee dalka la dagaalama u arka halista ugu weyn ee maanta ka jirta qaaradda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com