Shirka Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta looga hadlay sugidda amniga, dardargelinta gurmadka abaaraha iyo barnaamijka geeddi-socodka ee dayn-cafinta Somaliya.
Shirka oo uu goddoomiyay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayso howlaha gurmadka lagu samata-bixinayo shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka, si loo badbaadiyo mallaayiinta ay abaartu saameysay.
Mid ka mid ah halbeegyada hortabinta u leh barnaamijka xukuumadda ayaa ah dib-u-xoraynta deegaanada ay maamulaan maleeshiyada Al Shabaab iyo xaqiijinta Somaliya amni, xasilloon, xorna ka ah kooxaha argagixisada.
Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa shirka ku soo bandhigay warbxin la xiriirta hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dalka, sugidda amniga iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyay Shabaab, si loo gaarsiiyo adeegyada bulshada ee ay bixiso dowladdu, taa oo ka mid ah hadafyada waaweyn ee uu tilmaamayo qorshaha Xukuumamdda Dan-qaran.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan, isla-markaana ay isaga difaacayaan argagixisada baneysatay naftooda iyo maalkooda ee ka socda gobolada dalka qaarkood, iyagoo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirka Maaliyadda, Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha warbixin ka siiyay halka uu marayo geeddi-socodka dayn-cafinta Somaliya oo sanadihii u dambeeyay soconayay iyo tallaabooyinka loo bahan yahay in la qaado, si loogu guuleysto hadafyada weyn ee suurtagelinaya in laga miro dhaliyo barnaamijkan. oo ahmiyad weyn u leh koboca dhaqaalaha dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com