Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka bilaabay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay Gobolka Baay, xilli qaybo ka mida gobolada dalka ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka ayaa maanta hawlgal ka sameeyay deegaanka Saydhaalow, oo ku dhow deegaanka Goofgaduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Hawlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Ibraahim Cismaan Maxamed (Tifow) iyo Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad Dheere).

Hawlgalkan ayaa bilow u ah qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ku doonayo in Shabaabka lagaga sifeeyo guud ahaanba gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com