Dadka ku dhaqanka deegaanka Cadakibir iyo Maamulka Galmudug oo iskaashanaya ayay u suurtagashay inay dib u howlgeliyaan ceel biyoodkii deegaankaasi, toddobaad ka dib markii ay maleeshiada Al Shabaab burburiyeen.
Shabaabka ayaa qaraxyo ku burburiyay ceelkaasi, oo ahaa ishii ugu weyneyd ee ay biyaha ka cabi jireen reer Cadakibir. Cadakibir ayaa hoostagta Degmada Cadaado.
Gudoomiyaha deegaanka Cadakibir, Daahir Ugaas Daa’uud ayaa sheegay in ceelkan ay ku tiirsan tahay nolosha qoysaska ku dhaqan dhul uu baaxaddiisu dhan yahay 30km, sida uu yiri.
Deegaankan ayay dadkiisu ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona sheegay inay ka daaleen dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee maleeshiyadaasi.
Galmudug ayaa deegaankan u aqoonsan goobta uu ka bilowday kacdoonka ka curtay Gobolka Galgaduud, ee ay dadka deegaanka kula dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu garab taagan yahay cid kasta oo dooneysa inay la dagaalanto Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com