Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada ka socda Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano ayaa sii wada gulufka ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan qaybo ka mida Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga Macawiisleyda ayuu gulufkoodu ku fiday dhulka buuraleyda gobolkaasi, gaar ahaan iyagoo maanta hawlgalo ka sameeyay Buurta Dacaarow, oo saldhig u ahaa maleeshiyada Al Shabaab.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay in ciidamadu ay la wareegeen saldhiggii Shabaab ee Buurta Dacaarow, hawlgalkana ay ku dileen lix ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

General Tawane Axmed Gurey, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalka ka socda gobolka uu illaa iyo hadda u socdo, sidii loogu talagalay.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa isna laga soo xigtay in gulufku uu sii socon doono, illaa iyo inta Shabaabka loogu gelayo god kasta, oo ay gobolkaasi kaga sugan yihiin.

Hawlgalka ka socdo gobolkan ayaa xoogeystay, ka dib dhacdadii waddada Beledweyne iyo Maxaas, ee ay Shabaabku ku laayeen dad badan oo rayid ahaa, wax ay galabsadeena aanay jirin.

Si kastaba ha-ahaatee khubarada amniga ayaa fahamsan in Shabaabku uu hujuum weyn ka soo wajahay gobolka bartamaha dalka dhaca ee Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com