Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, xilli Jimcihii uu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ka dib safar dibadda ah oo uu ku maqnaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo qayb ay ka yihiin Labada Gole ee Jubbaland ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in uu Caasimadda Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo heerarka kala duwan ee Dowladda Soomaaliyeed ay ugu diyaargaroobi lahayeen isku tashi amni, si xal looga gaaro dhibaatada amni ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi oo ka barbar hadlayay Axmed Madoobe ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ay Muqdisho u yimaadeen Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo magaalada ka qabsoomi doona 11-12 bishan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu ugu soo horreeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Muqdisho ku soo wajahan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com