Ciidamada Dowladda oo hawlgal gaar ah ka fuliyay deegaan ay Shabaab maamulaan

Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay Jimcihii hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay hawlgalka ku burburiyeen Xaruntii Dhaqaalaha Al Shabaab ee deegaanka Mubaarak.

Warka ayaa lagu sheegay in sidoo kale hawlgalka lagu dilay horjoogihii maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Carab, laguna dhaawacay ku dhawaad toban kale.

Xubnaha weerarka lagu dhaawacay ayaa warka lagu sheegay inay ka mid yihiin Cismaan Daa’uud, oo ah Sarkaalkii Shabaab ee ugu sarreyay deegaankaasi iyo Aw Maay, oo isna lagu sheegay Madaxii Zakaawaatka Al Shabaab ee deegaankaasi.

Sida warka lagu sheegay waxaa xilligii uu hawlgalku dhacayay goobta ku sugnaa Saraakiil sarsare oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa xaruntaasi ka soo badbaadiyay tiro dad ah, oo sida warka lagu sheegay ay Shabaabku afduub ahaan ugu haysteen.

Dhanka kale wararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak ayaa sheegaya in duqayn ka dhacday beer ku taala deegaankaasi ay galaafatay nolosha shan qof iyo dhaawaca toban qof oo kale. Waxaa la sheegay inay dadkan ahaayeen gaadiidleyda ka dhex shaqeysata Gobolada Shabellaha Hoose iyo Banaadir, xilligaana ay halkaasi shir ku lahaayeen.

Dhaawacyada qaarkood oo xaaladoodu ay garaab tahay ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com