Inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa galabta illaa caawa soo kala gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horreyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo duhurnimadii maanta yimid magaalada.

Madaxdan ayaa siyaabooyin kala duwan loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna la filayaa in berrito uu soo gaaro magaalada, oo uu ka furmi doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in shirkani looga hadli doono arrimaha amniga dalka iyo xoojinta kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in shirka uu muddo laba cisho ahi ka socon doono Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com