Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa warbxin ku aaddan howlaha la xiriira dhismaha Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA) iyo doorkeeda shaqo ka dhageystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan, oo door wanaagsan ka qaadan doonta soosaarista xisaabiyeyaal la aqoonsan yahay oo xirfad sare leh, kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaalada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in la dardargeliyo dhameystirka dhismaha hay’adda, isaga oo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh, maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com