Madaxweyne Deni oo magacaabay xubno Wasiiro ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay laba Wasiir, kuwaa oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ku soo magacaabay Wasiiru Dowle iyo Wasiir Kuxigeen.

Madaxweynaha ayaa Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur u magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib u magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Wareegtada ayaa lagu yiri “Xeerkani wuxuu dhaqangeleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com