Mareykanka oo sheegay in dagaalka Ukraine uu galay marxalad xasaasi ah

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Jimcihii Magaalada Brussels kula kulmay Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg, kaas oo ay ka wada hadleen colaadda dalka Ukraine iyo guulihii ugu dambeeyay ay Ciidamada Ukraine ka gaareen dagaalka.

Geba-gabadii kulankooda shir jaraa’id oo si wadajira ay u qabteen ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ka sheegay in colaadda Ukraine ay gelayso marxalad xasaasi ah.

“Dagaalka Ukraine waxa uu gelayaa marxalad xasaasi ah. Ciidamada Ukraine ayaa awooday in ay hakiyaan duulaanka Moscow ee Donbas, oo ay dib uga dhuftaan khadadka Ruushka, ayna dib ula wareegaan dhul. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaan aragnay horumar dheeraad ah, labadaba koonfurta Kherson iyo bariga Gobolka Kharkiv. Tani waxay muujineysaa geesinimada, xirfadaha iyo go’aaminta dagaalka ee Ciidamada Ukraine, waxayna muujineysaa in taageeradayadu ay is bedel ku samaynayso maalin kasta, goobta dagaalka.” Ayuu yiri Blinken.

Waxa kaloo uu sheegay in Ruushku aanu awoodin inuu saanad ku filan u helo ciidamadiisa ka dagaalama koonfurta iyo bariga dalkaasi, ayna ku khasbanaadeen inay wax ka dayaan hubka Iran iyo Kuuriyada Waqooyi, sida uu yiri.

Jens Stoltenberg ayaa dhankiisa waxa uu Gaashaanbuurta NATO ugu baaqay in ay kaynaan dareys gaar ah, mashiinada dab dhaliyaha, teendhooyin iyo agab kale, si ay Ciidamada Ukraine u adeegsadaan xilliga qaboobaha ee ina soo aaddan.

Ruushka ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey isugu yimaadaan, si loogu dhalleeceeyo taageerada militari, ee ay Reer Galbeedka siinayaan Ukraine. Ergeyga Ruushka, Vasily Nebenzya ayaa sheegay inay tani ka dhigan tahay dagaal ay wakiil ka tahay xulafada NATO.

Duulaanka Ruushka ee Ukraine oo galay bishiisii 7aad ayaa xurguf adag ka dhex dhaliyay Moscow iyo Reer Galbeedka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com